Frank Lampard Oo Kashifay Sababtii Uu Mohamed Salah Ugu Fashilmay Chelsea

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa kashifay sababtii uu xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ugu fashilmay kooxda chelsea markii uu ku soo biiray.

Tababaraha chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay in awooda Mohamed Salah ay cadayd laakiin uu xiddiga reer Masar ku dhibaatooday in uu helo fursad uu ku ciyaaro.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa Blues ku biiray xagaagii 2013 laakiin waxa uu kooxda u ciyaaray kaliya 19 kulan ka hor inta uuna si joogto ah ugu biirin Roma 2016.

Jose Mourinho ayaa ku guulaystay premier League markii uu ku soo laabtay chelsea 2014 waxana uu tababaraha reer Portugal Mohamed Salah ka doorbidi jiray xiddigaha Oscar, Willian iyo Eden Hazard.

Salah ayaa muujiyay in uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kadib markii uu Liverpool ku soo biiray una dhaliyay 75 gool 111 kulan oo uu u ciyaaray Reds.

Liverpool ayaa u safri doonta London si ay ula ciyaarto Chelsea Lampard oo wakhtigii uu salah joogay sidoo kale ka ciyaarayay kooxda ayaa sheegay in uu salah Kooxda Blues ku biiray wakhti khaldan.

“Waxa ay ahayd mid adag sababta oo ah qof walba waxa uu haystay dariiqiisa”ayuu Lampard yidhi.

“Nasiib xumo Mohamed Salah umay shaqayn laakiin waxa uu mudan yahay amaan, waxa uu tagay Italy kadib wuu soo laabtay haatana waa xiddig weyn”.

“Waxa ahayd mid adag in uu wakhtigaas la tartamo xiddigaha kooxda joogay manuu heli fursado badan laakiin tayadiisu way joogtay meesha”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*