Eden Hazard & Thibaut Courtois Oo Qorshaynaya In Ay Xiddig Chelsea Jooga Ku Qal-Qaaliyaan In Uu Ku Biiro Real Madrid

Xiddigaha Kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Belguim ee Eden Hazard & Thibaut Courtois ayaa qorshaynaya in ay xiddig u ciyaara kooxdoodii hore ee chelsea ku qal-qaalinayaan in uu kula soo biiro kooxda Real Madrid.

Xiddigaha Eden Hazard & Thibaut Courtois Ayaa lagu sheegayaa in ay dad ku dhaw kooxda Real Madrid u sheegeen in Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante yahay xiddig ka dhiman kooxda Real Madrid si ay u noqoto koox dhamaystiran.

Rela Madrid iyo Zinedine Zidane ayaa dib u dhis weyn ku sameeyay kooxda Real Madrid xagaagan iyaga oo 300 oo Milyan galiyay kooxda kulana soo wareegay xiddigaha  Hazard, Luka Jovic, Eder Militao & Ferland Mendy.

Inkasta oo ay lacag fiican galiyeen suuqa hadana Real Madrid ayaa si aan fiicnayn ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub iyaga oo bar-baro galay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ay ciyaareen horyaalka La Liga.

Zidane ayaa xiiso wakhti dheer ah u hayay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba halka sidoo kale lala xidhiidhinayay xiddiga kooxda PSG ee Neymar.

Laakiin wargayska The Athletic ayaa sheegaya in xiddigihii hore ee kooxda chelsea ee Courtois iyo Hazard u dagaalamayaan sidii ay kooxda uga caawin lahaayeen in ay helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kante.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*