Dib U Eegid: Sergio Aguero Oo Rikoodh Taariikhi Ah Ka Dhigay Premier League Xilli Henry & Aguero Kaliya Kaga Horeeyaan Rikoodhkaas

Weeraryahanka Kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa isaga oo dhaliyay gool kulankii ay Man City guusha weyn ka gaadhay kooxda Watford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Man City ayaa 8/0 ku garaacday kooxda Watford kulan uu Sergio Aguero ku lug lahaa 2 gool isaga oo dhaliyay gool sidoo kale caawiye ka noqday mid kale.

Kadib goolkaas Aguero ayaa rikoodh ku dhigay isaga oo waliba noqday xiddigii 3-aad ee taariikhda premier League sameeya rikoodhkaas.

goolkii Aguero ayaa ah goolkii 100-aad ee uu xiddigu ka dhaliyo garoonka Man City horyaalka premier League waxana uu noqday xiddigii 3-aad ee tirada goolashaas ka dhaliya garoon kaliya.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Thiery Henry ayaa ah xiddiga ugu badan ee 114 gool ka dhaliyay garoon kaliya kadib markii uu garoonkii hore ee Arsenal sidaas ku sameeyay.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddigii hore ee kooxda Man United ee Wayne Rooney kaas oo 101 gool ka dhaliyay garoonka Old Trafford iyada oo labada xiddig kaliya 14 gool ka horeeyaan Aguero.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*