Dhacdo La Yaab Leh Oo Laga Diwaan Galiyay Kulanka PSG & Real Madrid, Maxay Tahay?

Kulanka dhex mari doona kooxaha PSG iyo Real Madrid ee tartanka champions League ayaa laga diwaan galiyay dhacdo qariib ah kadib markii la soo saaray shaxaha labada kooxood.

Kooxda PSG oo ah koox ka dhisan horyaalka France ayaa ka xiddigo badan kooxda Real Madrid marka laga hadlayo kooxda Real Madrid xiddigaha reer Spain halka ay kooxda Real Madrid oo ka dhisan Spain ay kooxda PSG kaga badantahay xiddigaha reer France.

Kooxda PSG ayay u ciyaarayaan 4 xiddig oo reer Spain ah iyaga oo ka xiddigo badan kooxda reer Spain halka ay kooxda Real madrid u ciyaarayaan 3 xiddig oo reer France ah iyaga oo ka xiddigo badan kooxda reer France.

Xiddigaha Juan Bernat, Pablo Sarabia, Sergio Rico Iyo Ander Herrera ayaa ah xiddigaha PSG uga qayb qaadan doona kulankan iyada oo ay shaxda ku bilowdeen 2 xiddig 2-da kalena kaydka fadhiyaan.

Real Madrid ayuu dhankeeda u ciyaarayaa hal xiddig oo reer Spain ah kaas oo ah daafaca Dani Carvajal taas oo ah mid la yaab ah marka loo eego in ay Real Madrid tahay koox reer France ah.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayay u ciyaarayaan 3 xiddig oo reer France ah kuwaas oo kala Ferland Mendy, Karim Benzema Iyo Raphael Varane kuwaas oo ku bilowday shaxda Real Madrid.

Dhanka kale kooxda PSG ayuu u ciyaarayaa kaliya hal xiddig oo reer France ah kaas oo ah daafaca Presnel Kimpembe taas oo dhankeeda la yaab ah marka loo eego in ay PSG tahay koox reer France ah.

4 Comments

  1. 1 Dani Carvajal 2 Lucas Vazquez
    3 Alvaro Odriozola
    4 Adrian De La Fuente
    MAA SOMALIBA hhhhhhh nimaan yahow waxad qoreysan iska hubiya

  2. 1 Dani Carvajal
    2 Lucas Vazquez
    3 Alvaro Odriozola
    4 Adrian De La Fuente
    Maa Somalibaa yaaa hhhhhh nimaan yahow waxad qoreysan iska hubiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*