Daniel James Oo Dhibaato Cusub Ku Abuuray Man United Kadib Qaab Ciyaareedkiisa Fiican.

Xiddiga da,yarka ah ee Daniel James ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Man United intii uu furnaa suuqii xagaaga ee xidhmay.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la soo saxiixday Daniel James si uu ugu xaliyo dhibaatada garabka weerarka ee haystay kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore.

Kadib markii ay Man United wayday saxiixa Jadon Sanchez oo doortay in uu iska sii joogo kooxda Borussa Dortmund United ayaa dareenkeeda u jeedisay saxiixa xiddiga reer Wales.

Man United ayaa James ku jeclaatay orodkiisa badan iyo waliba awooda uu farqiga ku samayn karo isaga oo haatanba ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Man  United.

Xiddiga ayaa ilaa haatan u dhaliyay kooxdiisa 3 gool 4 kulan oo uu ciyaaray horyaalka premier League isaga oo goolal ka dhaliyay chelsea, Crystal Palace iyo Southampton.

Inkasta oo uu Daniel James yahay xiddiga ugu fiican Man United ilaa haatan xilli ciyaareedkan hadana xiddiga ayaa dhibaato ku keenay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Wargayska Daily Express ayaa dhibaatada ku sheegay in uu da,yarku qaab ciyaareed fiican soo bandhigo marka laga ciyaarsiiyo garabka bidix ee weerarka marka loo bar-bar dhigo marka uu ka ciyaarayo garabka midig ee weerarka.

Weerarka Man United ayaa mudo dhamaantood ku wada fiicnaa ka ciyaarista garabka bidix ee weerarka waxana ay haatan u muuqataa in ay arintu wali sidaas tahay oo ayna waxba is badali doonin.

Xiddigaha weerarka uga ciyaara Man United ee Anthony Martial & Marcus Rashford ayaa dhankooda ku fiican ka ciyaarista garabka bidix ee weerarka taas oo dhibaato ku ah Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*