Daawo: Mohamed Salah & Baraha Bulshada Soo Dhigay Muuqaal Kaa Qoslinaya Oo Ku Saabsan Isaga & Sadio Mane

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpol ee Mohamed Salah ayaa muuqaal qosol leh soo dhigay bogiisa Instagram-ka kaas oo ku saabsan isaga iyo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Sadio Mane.

Waxa wakhtigii ugu dambeeyay la hadal hayay dhacdadii kulankii Burnley ee ka xanaajisay Sadio Mane kadib markii uu Mohamed Salah Baas u dhigi waayay Mane inkasta oo uu boos furan joogay.

Dhacdadaad ayaa si weyn loo hadal hayay intii lagu jiray fasaxa xulalka xilli tababaraha iyo qaar ka mid ah xiddigaha kooxda Liverpool sheegeen in isla markiiba la xaliyay arinta labada xiddigna si caadi ah u wada hadalyeen markii ay galeen qolka Labiska.

Haatan Mohamed Salah ayaa soo dhigay bogiisa Instagram-ka muuqaal qosol leh oo ku saabsan isaga iyo xiddiga sadio Mane ka hor kulanka Newcastle ee premier League.

Muuqaalka ayaa ah laba caruur ah oo isku soo ordaya laakiin la saaray wajiga mohamed Salah & Sadio Mane xilli uu ka dambeeyo qof la saaray wajiga tababare Jurgen Klopp.

Hadaba waxba ayaanan kaaga sheekayne halkan hoose ka daawo muuqaalka qosolka leh:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*