“Cristiano Ronaldo Ayaa Halkan Kaga Fiican Lionle Messi Kumana Gaadho Waliba”.

Halka Arin ee 15-kii sano ee ugu dambeeyay kubada cagta aan laga daalin ayaa ah is bar-bar dhiga xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay la isku bar-bar dhigayay meel walba hadii ay noqoto kooxaha iyo waliba xulalka qaramada.

Taageeraha weyn ee kooxda Arsenal ee Piers Morgan ayaa sheegay in uu Cristiano Ronaldo dhigiisa Lionel Messi kaga fiican yahay dhanka xulalka isaga oo sheegay in uuna Messi xitaa dhigiisa ku gaadhayn dhanka xulalka qaranka.

Cristiano Ronaldo ayaa sii waday wacdarihii uu ka dhigayay xulka qarankiisa Portugal kadib markii uu 4 gool u dhaliyay kulankii ugu dambeeyay ee is reeb-reebka Euro 2020.

Piers Morgan oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi” Ronaldo waxa uu xulkiisa Portugal u dhaliyay 4 gool dadku waxa ay ka hadlaan in uu Lionel Messi Ronaldo kaga fiican yahay dhanka kooxaha laakiin Cristiano Ronaldo ayaa ka duwan xulalka”.

“Cristiano waxa uu Messi kaga fiican yahay dhanka xullaka ayayna jirin cid dambe oo Ronaldo Bar-Bar dhigta Messi dhanka xulalka kadib wacdarihii uu dhigay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*