Ceebtiis Mahee Waa Caadadiis: Arsene Wenger Oo Kashifay Xiddig Kale Oo Uu Ku Dhawaaday Saxiixiisa Markii Uu Joogay Arsenal

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sii wada qirashadii ku saabsanady waxyaabihiii dhacay intii uu tababaraha u ahaa kooxda Arsenal oo uu isaga tagay dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2017/2018.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaatay in ay la soo saxiixato xiddiga reer England ee Jadon Sancho sida uu xaqiijiyay tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger.

Sancheo ayaa ka tagay Man City xagaagii 2017  inkasta oo loo soo bandhigay heshiis rikoodh jabis ah oo dahna 35 kun oo Gini todobaadkii si uu ku joogo Akademiyada Man City.

Isaga oo 17 jir ah Jadon Sancho ayaa doortay in uu ku noolaado dibada isaga oo ku biiray kooxda Borussia Dortmund ee ka ciyaarta horyaalka Bundesliga.

Dhawaan waxa uu noqon xiddiga ugu mushaharka badan ee da,yarka isaga oo sidoo kale diirada u saaran kooxaha Man United iyo Man City laakiin xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay in uu isku dayay in uu la saxiixdo Sancho.

Isaga oo la hadlaya beIN Sports ayuu yidhi” Waxa aan doonayay in aan kala soo wareego Man City markii uuna ciyaarayn kulamo badan”.

“Waxa aan doonayay in aan helo sababta oo ah waxa uu ka soo jeedaa London waxana aan isku dayay in aan keeno Arsenal”.

“Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee da,yarka haatan, waxa uu samayn karaa Gambis fiican waana xiddig cajiib ah”.

“Waxa jira wax aan ku arko ciyaartoyda waliba ah wax weyn”.

“Waxa aad ugu yeedhi kartaa Cajiib, Calsooni iyo rumayn laakiin Sancho wuu haystaa dhamaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*