Barcelona Oo Xagaaga Dambe U Dhaqaaqaysa Xiddig Ay 3 Jeer Oo Hore Iska Diiday Saxiixiisa.

Kooxda Barcelona ayaa dareenkooda u jeedisay soo xero galinta xiddig ay 3 jeer oo hore iska diideen iyaga oo u dhaqaaqi doona adeegiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dambe sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigakhadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Spain iyo kooxda Napoli ee Fabián Ruiz sida uu sheegayo wargayska Mundo Deportivo.

Fabián Ruiz ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican xulka qaranka Spain ee haatan ugu fiican kadib markii uu ka soo baxay Akademiyada Real Betis kana mid noqday xiddigaha haatan ugu fiican kooxda Napoli.

kooxda Barcelona ayaa haatan Fabián Ruiz ka dhigatay bartilmaameedkeea xilli ciyaareedka dambe ee suuqa kala iibsiga.

Dhibaatada ayaa ah in ay ay Napoli Fabián Ruiz ku qiimayso 60 milyan oo euro laakiin Barcelona ayaa xiddiga ku dhawaatay in ay la soo saxiixato 3 jeer oo hore.

Markii ugu horaysay ayaa ahayd 2017 markaas oo xiddiga lagu qiimaynayay 6 milyan oo euro taas oo ah 3 jibaarka lacagta haatan lagu iibinayo markaas oo uu xiddigu u ciyaarayay kooxda Elche.

Marka 2-ad ayaa ahayd markii uu xiddigu ku soo laabtay kooxda Real Betis oo uu amaah uga maqnaa kooxda Elche markaas oo lagu helayay lacag dhan 15 milyan oo euro.

Markii ugu dambaysay ayaa ahayd xagaagii hore markaas oo xiddiga lagu helayay lacag dhan 30 milyan oo euro laakiin Napoli ayaa ku garaacday saxiixa xiddiga.

Laakiin Barcelona ayaa u muuqata mid aan iloobin tayada Fabián Ruiz waxana ay isku dayi doonaan in ay lacag fiican kula soo wareegaan saxiixiisa xagaaga dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*