Arsenal Oo Ka Warbixisay Dhaawacada Hector Bellerin & Kieran Tierney Ka Hor Kulanka Watford

Kooxda Arsenal ayaa ka warbixisay xaalada dhaawac ee xiddigaha kooxdeeda ee Hector Bellerin & Kieran Tierney ka hor kulanka Premier League ee ay Axada la ciyaari doonaan kooxda Watford kana tirsan toodbaadkii 6-aad ee horyaalka premier League.

Arsenal ayaa ku rajo weyn in ay hesho daafacyadeeda Hector Bellerin & Kieran Tierney dhamaadka bishan si buuxdana ugu soo laabtaan tababarka buuxa ee kooxda.

Xiddiga reer Spain ee Bellerin ayaa garoomada ka maqan tan ilaa January kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay kulan ay la ciyaaraysay Arsenal kooxda Chelsea isaga oo 9 bilood garoomada ka maqnaa.

Ainsley Maitland-Nile ayaa inta badan sii buuxiyay booskiisa laakiin Arsenal ayaa tabtay weerarkii Bellerin iyo waliba difaacashadii cajiibka ahayd.

Tierney ayaa dhanka kale Arsenal ku soo biiray xagaagan isaga oo 25 milyan kaga soo biiray Celtic isaga oo ka soo kabsanaya qaliin uu maray dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Arsenal ayaa sheegtay in ay ku rajo weyn yihiin in ay helaan adeega xiddigaha daafaca ah dhamaadka bishan haatan lagu jiro ee Spetember.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*