Antoine Griezmann Oo Doortay 4-tiisa Halyeey Ee Ugu Fiican

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann ayaa doortay shaxdiisa ka kooban 4-ta Halyeey ee uu u arko kuwa ugu fiican.

Antoine Griezmann ayaa doortay 4 xiddig oo kala ah Goolhaye, Daafac, Khadka dhexe iyo weerar isaga oo inta badan ka soo doortay halyeeyada kooxda Barcelona.

Xiddiga ugu Horeeya ayaa ah Goolhayihii xulka ee xulka qaranka France ee Fabien Barthez waxana uu yidhi sababta uu u doortay” Goolhayahaygu waa Fabien Barthez Sababta aan u doortay ayaa ah waa France waxana uu ku guulaystay koobkii adduunka ee 1998″.

“Daafaca waxa aan doortay Carles Puyol waxa uu ahaa daafac weyn oo wax walba soo bandhigay intii uu ku jiray garoonka kuna guulaystay wax walba”.

“Khadka dhexe waxa aan doortay Aan doortay Xavi waxa uu ahaa xiddig ku fiican baaska oo waliba diirada saari jiray kooxdiisa”.

“Weerarka waxa aan doortay Xiddiga aan isku dalka nahay ee Thierry Henry waxa uu dhaliyay goolal badan waxana uu ahaa weeraryahan fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*