Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Isku Aadka Wareega Group-yada Ee Champions League Ee Khamiista La Qaban Doono

Wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedka cusub ee 2019/2020 ayaa la samayn doonaa maalinta bari ah oo khamiis ah kuna beegan 29 bisha August 2019 waxana Ka qayb qaadan doona 32 kooxood oo loo qaybin doono 8 Group.

Kooxaha Barcelona, Real Madrid, Atletico Madrid, Valencia, Liverpool, Chelsea, Manchester City, Tottenham, Juventus, Napoli, Inter, Atalanta, Bayern Munich, Borussia Dortmund, Bayer Leverkusen, RB Leipzig, Paris Saint-Germain, Lyon, Lille, Zenit, Lokomotiv Moscow, Benfica, Shakhtar Donetsk, Genk, Galatasaray & RB Salzburg ayaa dhamaan xaqiiqsaday booskooda wareega Group-yada.

Iyada oo 6 kooxood lagu soo soo dari doona marka caawa la soo dhamaystiro lugta 2-aad ee wareega Is reeb-reebka tartanka champions League.

Kooxaha ayaa loo qaybin doonaa 4 Pot taas oo lagu qiimayn doono dhibicii ay ka heleen tartanka 5-tii sano ee la soo dhaafay iyo qiimayntooda yurub.

Ilaa haatan waxa la dhamaystay Pot-ka ugu horeeya kaas oo ay ku jiraan kooxaha ku guulaystay Horyaalada yurub iyo labadii kooxood ee ku kala guulaystay champions League iyo Europa League.

Sidaas darteed kooxaha ayaa kala ah Liverpool, Manchester City, Chelsea, Juventus, Bayern Munich, Barcelona, PSG & Zenit

Isku aadka ayaa la samayn doonaa ama la bilaabi doonaa marka ay tahay saacadu 7:00 Fiidnimo wakhtiga geeska Africa iyo 6:00 wakhtiga yurub.

Kooxda.com ayaa idin xasuusinaysa in ay idiin soo gudbin doonto isku aadka oo dhamaystiran isla marka la soo saaro iyo waliba warbixino cajiib ah oo ku saabsan isku aadka sidii aad horay uga barateen.

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*