Wargayska Le Parisien Oo Kashifay Dalabka Cusub Ee Ay Barcelona Ka Gudbisay Neymar

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub ka gudbisay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar kaas oo ay doonayso in ay ku guulaysato saxiixiisa ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay PSG miiska u saartay dalab lacageed oo u dhexeeya 60 illa 80 Milyan oo euro iyo waliba xiddiga Philippe Coutinho.

Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa in ay Camp Nou ku soo celiyaan Neymar 2 sano kadib markii uu ka tagay si uu ugu biiro kooxda PSG.

Xilli ay Real Madrid ku jirto tartanka saxiixa Barcelona ayaa kor u qaadaysa dadaalkeeda ay ku doonayso saxiixa xiddiga reer Brazil.

Wargayska Le Parisien  ayaa sheegaya in ay Barcelona dalab lacag iyo waliba xiddigah ka gudbisay laakiin ma ahan wali mid qancinaya PSG kuwaas oo aan Coutinho ku qiimayn 120 milyan oo euro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Neymar aad u doonayo in uu ku laabto kooxda Barcelona inkasta oo ay labada kooxood ku kala fogyihiin qiimaha xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*