WARBIXIN: Neymar, Sanchez, Icardi & 9-ka Saxiix Ee Dhici Kara Inta Uuna Xidhmin Suuqa Xagaagan.

Suuqa kala iibsiga xagaagan ayay muddo 2 todobaad ah ka hadhsan tahay in uu gabi ahaan xidhmo iyada oo ay kooxaha reer yurub u dadaalayaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixyada ay u baahanyihiin.

Philippe Coutinho ayaa ahaa saxiixii ugu dambeeyay ee weynaa ee koox cusub ku biira xagaagan kadib markii uu si Rasmi ah heshiis amaah ah ugu biiray kooxda Bayern Munich.

Laakiin waxa labada todobaad ee hadhay la filayaa in ay dhacaan saxiixyo waaweyn kuwaas oo ay samayn doonaan kooxaha reer yurub si ay ugu xoojiyaan kooxdooda xagaagan.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 8-da saxiix ee laga yaabo in ay dhacaam 2-da todobaad ee ka hadhsan suuqa kala iibsiga xagaagan.

1.Neymar:

Sheekada aan dhamaadka lahayn xagaagan oo dhan ayaa ah, Neymar kaas oo kooxdiisa ku qasbaya in uu isaga tago Parc des Princes inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ah kooxaha ku dagaalamaya saxiixa xiddiga laakiin labada kooxood ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya in ay heshiis la gaadhaan kooxda PSG kuna guulaystaan saxiixa xiddiga laakiin waxa uuna shaki ku jirin in uu Neymar isaga tagi doono PSG Xagaagan.

2.Mauro Icardi:

Mauro Icardi ayay iska cadahay in uuna ku jirin qorshaha tababare Antonio Conte waxana ay Inter u sheegtay in uu isaga tagi karo kooxda inta lagu suuqa kala iibsiga xagaagan, xiddiga reer Argentine ayaa xiiso ka helaya kooxaha Serie A-da ka ciyaara ee Juventus, Napoli iyo Roma kuwaas oo ku dagaalamaya saxiixiisa laakiin xiddiga ayaa doorbidaya in uu ku biiro Juventus.

3.Donny van de Beek:

Kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Ajax ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid, xilli uu isla xiddigu qirtay in ay Real Madrid wadahadalo kula jirto kooxdiisa isla markaasna heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda wakhti horeba.

4.Paulo Dybala

Kadib markii uu iska diiday in uu ku biiro kooxaha premier League ee Tottenham iyo Man United, Dybala ayaa ka fiirsanaya dookhyo kale waxana haatan la sheegayaa in uu ku dhawyahay kooxda PSG kuwaas oo u doonaya badalka Neymar hadii uu ka tago kooxda xagaagan.

5.Ivan Rakitic:

Kadib markii ay la soo saxiixatay Frenkie de Jong & Antoine Griezmann xagaagan kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay fasaxdo xiddigaha ay kooxdeedu ka maarmi karto waxana ka mid ah Rakitic kaas oo ay u waalnayso kooxda Inter Milan kuwaas oo adeegiisa doonayay ilaa xagaagii hore.

6.Christian Eriksen:

Xiddiga reer Denmarka ayaa si cad u qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Tottenham xagaagan isaga oo doonaya in uu ku biiro kaliya horyaalka La Liga, xiddiga ayaa gaar ahaan doonayay kooxda Rela Madrid laakiin Los Blancos ayaan wali wax isku day ah u samayn sidii ay u heli lahayd xiddiga Khadka dhexe.

7.Mesut Ozil:

Xiddiga reer Germany ayaa laga yaabaa in uu ugu dambayn isaga tago kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo uu wakiilkiisu wadahadalo kula jiro kooxda DC United kuwaas oo doonaya in ay Badal ka dhigaan Wayne Rooney.

8.Alexis Sanchez:
Xiddiga reer Chile ayaa aad ugu dhaw in uu ku biiro kooxda Inter Milan utada oo la sheegayo in uu maalinta bari oo salaasa ah tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda Inter isaga oo heshiis amaah ah ugu biiro kooxda horyaalka Serie A-da.

9.Edinson Cavani:
Weeraryahanka Kooxda PSG ee Cavani ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Inter Miami ee uu iska leeyahay David Beckham iyada oo uu wargayska Gazzette dello Sport sheegayo in uu haatanba xiddigu la gaadhay heshiis 3 sano ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*