Wakhtiga Uu Neymar Tijaaabada Caafimaadka U Mari Doono Barcelona Oo La Ogaaday & Faah-Faahinta Heshiiska Uu Saxiixi Doono

Wararka ka imanaya dalka France ayaa ugu dambayn shaaca ka qaaday in uu Neymar ugu dambayn noqon doono xiddig Barcelona ah kadib wadahadalo muddo dheer qaatay oo ay Barcelona kula jirtay kooxda PSG.

Neymara ayaa ugu dambayn ku laaban doona Camp Nou xilli ay Barcelona wadahadalo horumar leh kula jirto kooxda PSG si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga reer Brazil xagaagan iyaga oo diiday in ay kor u dhaafaan lacag dhan 100 milyan oo euro.

Wararka ayaa intaas raaciyana in ay Barcelona heshiiska raacin doonto Coutinho ama Rakitic si ay qiimaha hoos ugu dhigaan laakiin heshiiska ayaa wali ah mid adag.

Wargayska Paris United ayaa sheegaya in ay wadahadaladu ku jiraan waji horumar leh lagana yaabo in la dhamaystirto maalmahah soo socda.

Hadii ay taasi dhacdo xiddiga reer Brazil ayaa laga yaabaa in uu jimcaha maro tijaabada caafimaadka kadib si Rasmi ah u noqdo xiddig Barcelona ah.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Neymar qalinka ku duugi doono heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 27 milyan oo euro iyo waliba lacag guno ah.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*