Waa Kuma Xiddiga Ay Man United Ah Ee Ay Alexis Sanchez Isugu Dheceen Tababarka Man United

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Alexis Sanchez ayaa u muuqda mid ku sii dhawaanaya in uu isaga tago kooxda Kadib markii ay tababarka isugu dheceen xiddig ka tirsan kooxda Man United.

Alexis Sanchez ayay isku dheceen da,yarka weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Mason Greenwood sida sheegayaan wararku.

Mustaqbalka Sanchez ayaa mugdi ku jira iyada oo aan ilaa haatan la ogayn waxa uu ku dambayn doono xiddigu xilli lala xidhiidhinayo kooxda Roma.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Sanchez isku dheceen da,yarka Mason Greenwood intii lagu jiray tababarka ay kooxdu isugu diyaarinayso kulankeeda premier League.

Sanchez ayaa isku diyaarinaya in uu ku soo laabto garoomada kadib markii uu fasax dheeri ah qaatay kadib markii uu xulkiisa kala qayb qaatay koobkii Copa America.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*