Van de Beek Oo Qiimeeyay Fursadaha Uu Xagaagan Ugu Biiri Karo Real Madrid.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ajax ee Donny Van de Beek ayaa qiimeeyay fursadaha uu xagaagan ugu biiri karo kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan xilli Los Blancos si weyn loola xidhiidhinayo xiddiga da,yarka ah.

Real Madrid ayaa u muuqata mid waayi karta saxiixa Donny Van de Beek inta lagu jiro xagaagan xilli ay u muuqata in uu xiddiga Donny Van de Beek sii joogi doono Ajax xilli ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Ajax ee Erik Ten Hang ayaa sheegay in uu filayo in uu xiddigu sii joogi doono kooxda laakiin xiddiga ayaa sii xoojiyay hadalka kadibkulankii ay Ajax 3/2 uga badisay kooxda PAOK ugun gudubtay wareega Group-yada champions League.

“Ma jiro wax la hubo wali, waxa jirta fursad fiican oo aan ku sii joogi doono Ajax”ayuu xiddigu yidhi.

“Wax walba oo dhaca Real Madrid iyo Ajax waa kooxo fiican”.

“Waxba kama caban karo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*