Sidee Wax U jiraan Emery!!: Daawo Unai Emery Oo Qaab Waali Ah Ugu Dabaal Degay Kubad Uu Dilay Xiddig Kooxdiisa Ah

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa adduunka ka yaabsaday intii uu socday kulankii ay kooxdiisu la ciyaaraysay Newcastle kana tirsanaa horyaalka premier Leageu kulankii ugu horeeyay ee labada kooxood.

Sida caadada ah waxa ay tababarayaasha iyo xiddiguhuba u dabaal degaan marka ay kooxdoodu gool dhaliso laakiin tababare Unai Emery ayaa kulankii Newcastle u dabaal degay kubad dilis uu sameeyay xiddig Arsenal ah.

Da,yarka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Joe Willock ayaa lumiyay kubad uu ka dafacay xiddig Newcastle ah kaas oo ula orday dhanka Goolka kooxda Arsenal.

Taas ayaa keentay in uu Emery markii hore yara xanaaqo laakiin Joe Willock ayaan sidaas kaga hadhayn kana soo daba orday kubada kadib si cajiib ah uga dilay xiddiga Newcastle.

Kadib tababare Emery ayaa u dabaal degay si waali ah iyada oo aad mooday in ay kooxdiisu gool dhalisay inkasta oo uu xiddiga Joe Willock soo ceshaday kubada isaga laga dafay.

Halkan Hoose Kaga Bogo Muuqaalka Sida Ay Wax U Dheceen:

1 Comment

  1. waa macalin aan kursiga ku fadhinineynin oo u taagan in uu ciyaaryahanadiisa dhiira geliyo haduu wax fiican sameeyo waxaa la dhahaaa sidee wax ka noqdeen wuxuu u dabaaldagay sida asoo gool dhaliyay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*