Sidee Ayay PSG Kooxda Ac Milan Uga Caawinaysa In Ay Midkood U Dhaqaaqdo Saxiixyada James Rodriguez Ama Isco?

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Ac Milan ka caawin karto saxiixa xiddigaha kooxda Real Madrid khadka dhexe uga ciyaara ee James Rodriguez Iyo Isco kuwaas oo lala xidhiidhinayo in ay isaga tagaan kooxda Los Blancos.

Ac Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay Kooxda PSG ka iibiso Goolhayeheeda 20 jirka ah ee Gianluigi Donnarumma si ay lacagta ka soo gasha ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddigaha Real Madrid ee Jame Rodriguez Ama Isco.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu Goolhayaha reer Italy qarka u saaraan yahay in uu ku biiro kooxda PSG si uu kooxda reer Frnace ugula midoobo Agaasimaha Leonardo.

Kooxda Ac Milan ayaa diiday dalab lacageed oo ay PSG ka soo gudbisay goolhayaha kaas oo dhamaa 18 milyan oo euro iyo Goolhayeheeda Alphonse Areola.

Milan ayaa la rumaysan yahay in ay dalbanayso lacag toos ah si ay u iibiso Goolhayeheeda da,yarka ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Lacagta ay kooxda Ac Milan ka hesho Saxiixa Goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaay ugu dhaqaaqi doontaa in ay kula soo wareegto midkood xiddigaha Isco & Rodrigue kuwaas oo labadoodaba lala xidhiidhinayo in ay isaga tagaan kooxda Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*