SHEEKO CUSUB: Real Madrid Oo La Sheegayo In Ay Amaah Ku Dirayso Luka Jovic Todobaadyo Kadib Markii Ay La Soo Wareegtay.

Kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayaa ahaa mid ku filan in ay wada ciyaareen dhamaan xiddigaha kooxda Real Madrid oo uu ku jiro saxiixa cusub ee Luka Jovic kaas oo aan wax gool ah wali u dhalin kooxdiisa cusub.

Taas ayay sabab u ahayd dhaawac soo gaadhay xiddiga laakiin waxa la sheegayaa in uuna xiddiga reer Serbia ku fashilmay in uu qanciyo tababare Zinedine Zidane taas oo keeni karta in uu amaah u diro ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagu.

Sida laga soo xigtay wargaysyada Dalka Serbia 21 jirkan ayaa heshiis amaah ah lagu diri karaa kadib todobaadyo markii uu kooxda kaga soo biiray Eintracht Frankfurt.

Inkasta oo ay jiraan wararkaas hadana wargayska MARCA ayaa sheegaya in ayna u badnayn in xiddiga amaah lagu diro xagaagan.

Sababta ayaa ah in uuna xiddigu qorshaynayn in uu isaga tago kooxda isaga oo doonaya in uu u dagaalamo booskiisa tababarahan ku qanciyo goolashiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*