Romelu Lukaku Oo Ku Digtay Man United

Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa ku digtay kooxdiisii hore ee Man United xilli uu ka hadlayay tababarka kooxdiisa cusub ee Inter Milan oo uu todobaadkii hore si Rasmi ah ugu biiray.

Weeraryahanka reer Belguim ee Romelu Lukaku ayaa qirtay in ay Inter Milan si aad ah uga duwantahay kooxda Man United marka loo eego dhanka tababarka labadada kooxood.

Xiddiga ugu qaalisan taariikhda Inter Milan ayaa waraysi siiyay wargayska Otro kadib makrii uu dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Inter xagaagan.

“Man United waxa la qaban jiray shaqo badan tababarka laakiin Inter Milan waxa aan qabanaa shaqada dhabta ah”.

“Tababarka Inter aad ayay uga duwan tahay kuwa Man United halkan waxa aan ku qaadanaa shaqada dhabta ah”ayuu Lukaku yidhi.

Xiddiga oo ka hadlaya magaalada Milan ayaa yidhi” Magaaladu way fiicantahay laakiin halkan uma iman kaliya in aan ku noolaado, waxa aan halkan u imid in aan caawiyo kooxda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*