Real Madrid Oo Wali Doonaysa Paul Pogba, Xiddiga Oo Laftiisa Doonaya In Uu Ku Biiro Los Blancos & Go,aanka Man United Oo La Ogaaday

Inkasta oo uu xidhmay suuqa kala iibsiga premier League hadana Mustaqbalka Paul Pogba ayuuna waxba iska badalin xilli uu xiddigu wali doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Man United ayaa wadanaha Farta kuhaysa xilli ay ka cabsi qabaan in ay Real Madrid dalab cusub ka soo gudbiso xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Tababaraha Real Madrid ee Zidanedine Zidane ayaa la aaminsan yahay in uu kooxdiisa ka dalbanayo in ay la soo saxiixdaan Paul Pogba ka hor inta uuna xidhmin suuqa La Liga 2 bisha September.

Warar ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu Zidane isaga tagay ooxda Real Madrid hadii ayna kooxdu u keenin Pogba inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin Man United ayaa wali sheegaysa in ay diidi doonaan dalab walba oo ay helaan kuna aadan Paul Pogba maadama ayna la soo saxiixan karin xiddig badal u ah.

United ayaa diidi doonta dalab walba oo laga soo gudbiyo Pogba xitaa hadii ay kor u dhaafaan lacagta 180-ka Milyan ee lagu qiimeeyo xiddiga.

Pogba ayaa isugu wali diyaar u ah in uu isaga tago Man United isaga oo shaki galiyay mustaqbalkiisa kadib kulankii ay Man United 4/0 uga badisay kooxda chelsea.

Inkasta oo uu Pogba doonayo in uu ku biiro Real Madrid hadana waxa jirta Aqbalaad uu xiddigu aqbalay in uuna heshiisku dhici karin ka hor xagaaga dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*