RASMI: Frank Lampard Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Liverpool Kulanka UEFA Super Cup

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu caawa kaga hor tagi doono kooxda Liverpool kulanka UEFA Super Cup ee ka dhici doona Istanbul.

Labada kooxood ee premier League ku xafiiltama ayaa isaga hor iman doona koobkan kadib markii ay labada kooxood ku kala guulaysteen champions league iyo Europa League xilli ciyaareedkii hore.

Lampard ayaa Liiska ku soo daray xiddigaha Antonio Rudiger iyo Willian kuwaas oo seegay kulankii Ay Chelsea guuldarada kala kulantay kooxda Man United sababo kala duwan awgeed.

Sidoo kale waxa liiska lagu arkay xiddiga N’Golo Kante kaas oo uu tababaruhu xaqiijiyay in uu dhaawac yar ka soo gaadhay kulankii Chelsea ee Man United ee Axadii.

Liiska ayuu sidoo kale ku jiraa xiddiga Christian Pulisic kaas oo haatan ku rajo weyn in uu ku bilowdo shaxda kooxda kadib markii uu kaydka galay kulankii Axadii.

Halkan Hoose Kgaa Bogo Liiska xiddigaha uu tababaruhu soo saaray:

Kepa Arrizabalaga, Willy Caballero, Jamie Cumming, Marcos Alonso, Antonio Rudiger, Cesar Azpilicueta, Emerson, Kurt Zouma, Andreas Christensen, Davide Zappacosta, Fikayo Tomori, Kenedy, Mateo Kovacic, N’Golo Kante, Jorginho, Billy Gilmour, Ross Barkley, Mason Mount, Pedro, Willian, Christian Pulisic, Michy Batshuayi, Olivier Giroud, Tammy Abraham

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*