Qorshaha Chelsea Ku Xalinayso Daafaceeda Kadib Ceebtii Ka Soo Gaadhay Man United Oo La Ogaaday.

Kooxda chelsea ayay soo gaadhay guuldaradii ugu weynad ee Man United ka soo gaadha premier League todobaadkan kadib markii ay Blues la kulantay guuldaro 4/0 ah kulankii ugu horeeyay ee ay ciyaarto xilli ciyaareedka cusub ee premier League.

Kooxda chelsea ayaaa doonaysa in ay horay u soo dhigto wakhtiga soo laabashada daafaca Antonio Rudiger kadib markii 4 gool laga dhaliyay kulankii ugu horeeyay ee premier League.

Daafaca dhexe ee reer Germany ayaa maray qaliin jilibka ah bilowgii sanadkan kaas oo garoomada ka saaray kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii hore xilli la aaminsan yahay in uuna garoomada ku soo laaban doonin bartamaha bisha September kulanka Wolves.

Rudiger ayaa diidan in uu ku soo deg-dego ku soo laabashada garoonka ilaa inta uu dareemayo in uu 100% ka soo kabsaday dhaawacii jilibka la soo gaadhay laakiin Frank Lampard ayaa doonaya in uu xiddiga ka soo horaysiiyo wakhtigii loogu tala galay sida uu sheegayo Wargayska Daily Mail.

Tababare Lampard ayaa Rudiger aad u qiimeeya waxana uu u sheegay xagaagii in uu ka mid yahay qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub.

Sidaas darteed Tababaraha ayaa doonaya in uu horay u soo dhigo wakhtiga uu xiddigu ku soo laabanayo garoomada kadib qaab ciyaareedkii liitay ee Kurt Zouma ee kulankii Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*