PSG Oo Neymar Ku Qasbi Doonta In Uu Iska Diido Barcelona Kuna Biiro Real Madrid Hadii Ay Halkan Arin Dhacdo

Ma jirto maalin cad-ceed soo baxdo oo aan la soo hadal qaadin xiddiga Neymar kaas oo si aad ah u doonaya in uu isagatago kooxda PSG Xagaagan xilli lala xidhiidhinayo kooxaha La Liga ugu tunka weyn ee Real Madrid iyo Barcelona.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay Neymar ku qasbi doonto in uu isak diido Barcelona kuna biiro kooxda ay xafiiltamaaan ee Real Madrid laakiin waa hadii ay Kooxda Real Madrid xiddiga ka gudbiso dalab dhan 200 oo Milyan.

Neymar ayaa doonaya in uu isaga tago PG waxana saxiixiisa ku tartamaya kooxaha Barcelona iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya adeegiisa inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga reer Brazil ayaa dareensan in la gaadhay wakhtigii saxda ahaa ee uu isaga tagi lahaa PSG 2 sano kadib markii uu 222 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda.

Barcelona ayaa haatan hogaaminaysa tartanka Neymar xilli uu xiddiga laftiisu doonayo in uu ku laabto kooxda Barcelona oo uu wakhti fiican ku soo qaatay intii u dhexaysay 2013 ilaa 2017.

Laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya Madaxweynaha PSG ee Al-Khelaifi uu Neymar ku qasbi doono in uu ku biiro kooxda Real Madrid hadii ay Los Blancos miiska saarto lacag dhan 200 oo Milyan.

Real Madrid ayaa haatanba si fiican u gashay suuqa iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Eden Hazard, Ferland Mendy, Luka Jovic & Eder Militao laakiin qaab ciyaareedkii xumaa ee ay kooxdu soo bandhigtay ayaa keentay in ay Real Madrid suuqa dib ugu laabato.

Sidaas darteed PSG ayaa Neymar ku qasbi doonta in uu ku biiro Real Madrid iskana diido Barcelona hadii ay Madrid miiska saarto lacagta 200 ee milyan ee ay doonayso in ay ku iibiso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*