PSG Oo Kor U Qaaday Qiimaha Ay Ku Iibinayso Neymar Xilli Ay Diiday In Xiddigo Lagu Daro Heshiiska

Inkasta oo ay diyaar u yihiin in ay iibiyaan xiddiga Paris Saint-Germain ayaa hadana ilaa haatan diidan in ay Barcelona xiddigo ku darto heshiiska iyaga oo dalbaday kaliya lacag toos ah hadii ay doonayaan in ay helaan xiddiga.

Wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in ay kooxda PSG Wali dalbanayso lacag kaliya iyaga oo Real Madrid iyo Barcelona u sheegay in ay bixiyaan 250 milyan oo euro si ay u fasaxaan Neymar.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa doonaya saxiixa Xiddiga reer Brazil inkasta oo la rumaysan yahay in uu Neymar doonayo Barcelona.

Halka dhibaato ee Barcelona Hor Taagan ayaa ah in ay PSG doonayso in ay Neymar ka iibiso koox kasta oo aan ahayn Barcelona sababo la xidhiidha xidhiidh xun oo ay leeyihiin labada kooxood.

Hadana inkasta oo ay ku adagtahay in ay koox u helaan iibka xiddiga SG ayaa ogolaatay in ay la hadasho Barcelona iyada oo kooxda reer France haatan dalbanayso lacag dhan 250 Milyan oo euro.

Kadib markii ay 120 Milyan kula soo wareegeen Antoine Griezmann bilowgii xagaagan kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay Amaah ku hesho xiddiga maadama ay adag tahay in ay lacag u hesho xiddiga.

Barcelona ayaa isku dayday in ay PSG ku qanciso in ay heshiiska u qaadato dhawr xiddig kuwaas oo kala ah Samuel Umtiti, Ivan Rakitic, Ousmane Dembele & Philippe Coutinho inkasta oo ayna PSG Doonayn wax xiddigo ah.

Ilaa haatan Barcelona ayaa diyaar la ah Lacag kaash ah iyo waliba Coutinho taas oo ay Barcelona u aragto mid hoos u dhigaysa qiimaha xiddiga reer Brazil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*