PSG Oo Barcelona Ka Diiday Dalabkii Ay Ka Gudbisay Neymar, Barca Oo Dalab Cusub Diyaarinaysa & Wakhtiga Ay Ka Gudbinayso Oo La Ogaaday

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona ka diiday dalab ay ka gudbisay Neymar si ay xiddiga reer Brazil ugu soo celiso Camp Nou inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegaya in ay PSG miiska u saartay lacag u dhexaysa 60 ilaa 80 Milyan oo euro iyo waliba xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho si ay Neymar ugu hesho xagaagan.

Laakiin Saxafiga reer Spain ee Alfredo Martínez oo ku dhaw kooxda Barcelona ayaa haatan sheegaya in ay PSG diiday dalabkaas oo ahaa midkii ugu horeeyay oo dhan ah oo ay Barcelona ka gudbisay xiddiga.

Saxafiga ayaa sheegaya in ayna PSG doonayn lacagtaas iyo Coutinho laakiin ay kaliya Aqabalayso lacagtaas ka badan iyo waliba xiddigaha Coutinho, Semedo & Rakitic.

Isla Saxafiga ayaa sheegaya in ay Barcelona dalab cusub ka gudbin doonto xiddiga khamiista marka ay madaxda labada kooxood ku kulaam magaalada Liverpool.

Neymar ayaa isagu si cad u sheegay in uuna doonayn in uu mar kale u ciyaaro kooxda PSG Xagaagan waliba doonayo in uu isaga tago kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*