Pedro Oo Magacaabay Hal Daafac Ee La Awooda Ah Van Dijk, Kamana Ciyaaro Horyaalka Ingiirska

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Pedro ayaa magacaabay daafaca kaliya ee la awooda ah xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ka hor kulanka ay Chelsea la ciyaari doonto Liverpool kulanka UEFA Super Cup-ka.

Pedro ayaa sheegay in daafaca Kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk iyo daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos yihiin kaliya labada daafaca ee ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan.

Daafaca 28 jirka ah ee reer Holland ayaa door muhiim ah ka qaatay ku guulaysigii champions League ee Liverpool iyo waliba in ay kaalinta 2-aad kaga dhamaysato premeier League.

Qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay ayaa keenay in uu ku guulaysto xiddiga ugu fiican premier League waxana uu Pedro rumaysan yahay in uu daafaca Real Madrid ee Ramos yahay daafaca kaliya ee la heerka ah Van Dijk.

“Waa daafacyo fiican, waxa laga yaabaa in ay yihiin labada daafac ee ugu heerka sareeya”ayuu Pedro u sheegay Gaol.com

“Sergio Ramso waa mid aad u fiican, waxa aan u garanayaa si fiican, daafac heer sare ah oo ku fiican kubada”.

“Van Dijk wayaa sidoo kale la heer ah Ramos, xiddig awood badan, ku fiican kubada madaxa goolal dhaliya, waa laba xiddig oo waaweyn”.

“Waa mid aad u fiican wakhti xaadirkan si la mid ah xilli ciyaareedkii hore, waa daafac fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*