Ole Gunnar Solskjaer Oo Alexis Sanchez Ku Qasbi Doona In Uu Tababar La Qaato Kooxda Da,yarka & Sababta Oo La Ogaaday.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Alexis Sanchez ayaan wali ka tagin kooxda inkasta oo ay Red Devils isku dayayso in ay iska fasaxdo xiddiga inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku diyaarinaya in uu Alexis Sanchez u dhaadhiciyo xiddigaha da,yarka kooxda hadii uu xiddigu isaga tagi waayo kooxda bishan.

Man United ayaa si aad ah u doonaysa in ay iska fasaxdo sanchez kaas oo qaab ciyaareed xun ku jira tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii January ee sanadkii hore.

Saxiixa xiddiga ayaa loo arkay mid dhac ku ah Arsenal markii ay kaga badasheen Henrikh Mkhitaryan xilli uu dhamaanyay heshiiskii uu kula joogay Arsenal.

Laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay in uu qaab fiican soo bandhigo tan ilaa markii uu ku soo biiray koxoda isaga oo kaliya dhaliyay 3 gool oo premier League labad xilli ciyaareed iyo badh uu joogay kooxda.

Xiddiga ayaa kaliya gool dhaliyay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay waxana uu kooxda mushahar ahaan uga qaataa todobaadkii lacag dhan 500 kun oo Gini.

Suuqa Yurub ayaa xidhmi doona 2 bisha dambe Sanchez ayaanan haatan u muuqan mid isaga tagaya kooxda.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa horyaalka Italy halkaas oo ay xiiso u qabaan kooxaha Inter Milan iyo Roma laakiin xiddiga ayaan doonayn in uu isaga tago kooxda.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu tababare Solskjaer xiddiga Sanchez u dhaadhicin doono da,yar ilaa uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*