Neymar, Pogba, Eriksen, Coutinho, James, Can & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u xidhmay suuqa horyaalka premier League laakiin taas ayaan la macno ahayn in uu suuqu joogsaday maadama ay kooxaha kale ee reer yurub suuqa ugu jiraan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda.

Suuqa ayaa ilaa haatan laga sameeyay saxiixyo waaweyn laakiin waxa sidoo kale maalin walba kooxaha lala xiriiriyaa xiddigo ay doonayaan in ay la soo wareegaan si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Hadaba waxa ay kooxda.com idiin soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysadu ka qoreen suuqa kala iibsiga xagaagan waxana aan idin xasuusinaynaa in ayna kooxda.com masuul ka ahayn wararka laakiin aan ka soo xiganay wargaysyada ku hor qoran.

Kooxda Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Emre Can hal sano kadib markii ay si xor ah ugala soo wareegeen Liverpool (Football Italia).

Wakiilada Neymar ayaa lagu arkay iyaga oo sii galay xafiisyada kooxda Barcelona xilli si weyn loola xidhiidhinayo kooxda Barcelona (AS).

Kooxda Real Madrid ayaa wali xiiso u qabta saxiixa xiddiga Neymar waxana ay isaga hadhi doonaan saxiixa Paul Pogba si ay u dhamaystiraan saxiixa Xiddiga reer Brazil (Sun).

Kooxda PSG ayaa joojisay iibinta maaliyadaha Neymar ee kooxda PSG taas oo muujinaysa in ay iibinayaan xiddiga xagaagan (UOL Esporte).

Paul Pogba ayaa ka yaabsaday Man United kadib markii uu maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan (Mirror).

Kooxda Juventus ayaa wadahadalo la qaadatay Xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen kaas oo ay doonayso in heshiis xor ah kula wareegto xiddiga (Mail).

Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Barcelona iyaga oo heshiis amaah ah ku doonaya saxiixa xiddiga Philippe Coutinho (RAC1).

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayay doonayaan 13 kooxood oo ka ciyaaray America, Aasiya, iyo waliba yurub (Telegraph).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Ivan Perisic ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Bayern Munich (Bild).

Xiddiga garabka ua ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa diyaar u ah in uu iska diido in uu ku biiro koox kale si uu u sugo inta uu ka furmayo suuqa horyaalka shiinaha (Mail).

Kooxda Liverpool ayaa aqbali doonta dalab lacageed oo dhan 15 milyan oo euro oo ay ku iibinayso xiddiga Dejan Lovren xilli lala xidhiidhinayo kooxaha Ac Milan iyo Inter Milan (Liverpool Echo).

Kooxda Inter Milan ayaa heshiis la gaadhay xiddiga Man United ee Matteo Darmian kaas oo ay xor ku heli doonaan xagaaga dambe (Mail).

Kooxda Juventus ayaa kor u qaaday dadaalka ay ku doonayso weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi (Mail).

Sidoo kale kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee Sergej Milinkovic-Savic & Paulo Dybala ka hor inta uuna xidhmin suuqa Italy (Mail).

Kooxda Barcelona ayaa PSG u soo bandhigi doonta dalab lacageed oo dhan 100 milyan oo euro iyo xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho si ay u hesho Neymar (Star).

Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda kooxda PSG miiska u saaraysa lacag iyo waliba xiddiga khadka dhexe ee James Rodrigue si ay u helaan saxiixa xiddiga Neymar (Express).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*