Neymar, Coutinho, Rakitic, Pogba, Sanchez, Balotelli, Lovren & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u xidhmay suuqa horyaalka premier League laakiin taas ayaan la macno ahayn in uu suuqu joogsaday maadama ay kooxaha kale ee reer yurub suuqa ugu jiraan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda.

Suuqa ayaa ilaa haatan laga sameeyay saxiixyo waaweyn laakiin waxa sidoo kale maalin walba kooxaha lala xiriiriyaa xiddigo ay doonayaan in ay la soo wareegaan si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Hadaba waxa ay kooxda.com idiin soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysadu ka qoreen suuqa kala iibsiga xagaagan waxana aan idin xasuusinaynaa in ayna kooxda.com masuul ka ahayn wararka laakiin aan ka soo xiganay wargaysyada ku hor qoran.

Madaxda kooxda PSG iyo Barcelona ayaa markii ugu horaysay si Rasmi ah u kulmay si ay uga wadahadlaan heshiiska Neymar laakiin labada dhinac ayaan wax heshiis ah gaadhin kadib wadahadalo 3 saac socday (Le Parisien).

Barcelona ayaa diyaar u ah in ay Neymar ka gudbiso dalab lacageed oo dhan 93 milyan oo euro iyo xiddigaha Philippe Coutinho iyo Ivan Rakitic si ay u helaan Neymar (ESPN).

Laakiin Kooxda PSG ayaa dalbatay in ay heshiiska ku daraan xiddigaha Coutinho, Rakitic, Rakitic iyo lacag si ay Neymar uga iibiyaan PSG (Mail).

Kooxda Barcelona ayaa ka fiirsanaysa in ay heshiis Amaah ah ugu dhaqaaqaan Neymar si ay xagaaga dambe si toos ah ugula wareegaan (Independent).

Man United ayaan aqbali doonin dalab kasta oo laga gudbiyo xiddiga Paul Pogba sabab la xidhiidha in ayna heli karin badalkiisa xagaagan (Telegraph).

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa wadnaha farta ku haysa kana cabsi qabta dalab ay Real Madrid ka gudbiso Pogba (Mirror).

Daafaca Kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Tottenham si uu xagaaga dambe xor uga tago kooxda (Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Tiemoue Bakayoko ayaa ku dhaw in uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda Monaco xagaagan (Mail).

Kooxda Man United ayaa laga yaabaa in ay bixiso mushaharka Alexis Sanchez si ay amaah ugu dirto kooxda Roma xagaagan (Sun).

Daafaca Kooxda Liverpool ee Dejan Lovren ayaa ku sii dhawaanaya in uu ku biiro kooxda Roma kadib markii laga reebay xiddigaha ka qayb qaadan doona UEFA Super Cup-ka (Telegraph).

Weeraryahaka reer Italy ee Mario Balotelli ayaa ku sii dhawaanaya in uu ku biiro kooxda reer Brazil ee Flamengo (Corriere dello Sport).

Kooxda PSG ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa weeraryahanka Inter Milan ee Mauro Icardi marka uu Neymar ka tago kooxda (Football Italia).

Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda kor u qaaday dadaalka ay ku doonayso saxiixa xiddiga Neymar iyaga oo PSG u soo bandhigay xiddigaha Isco aphael Varane & Marcelo (Sun).

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*