Muxuu Madaxweynaha Real Madrid Ee Florentino Perez Dadka Ku Dhaw Uga Sheegay Heshiiska Neymar?.

Kooxda Real Madrid ayaa muddo ku raad joogtay saxiixa xiddiga rer Brazil ee Neymar xilli uu Madaxweynaha Los Blancos ee Florentino Perez raadinayay saxiixa xiddigan tan ilaa sanadkii 2013.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la sheegayaa in uu dadka ku dhaw u sheegay in uu ku dhawaaday saxiixa Neymar bilowgii suuqa xagaagan.

Florentino Perez ayaa taageero weyn u ah Neymar isaga oo doonaya in uu Ka hor qaadao kooxda Barcelona saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa Neymar u waayay kooxda Barcelona xagaagii 2013 markaas oo uu Barcelona kaga soo biiray kooxda reer Brazil ee Santos.

Laakiin Florentino Perez ayaa u muuqday mid ugu dambayn helay saxiixa xiddiga bilowgii xagaagan.

Neymar ayaa si aad ah u doonaya  in uu isaga tago kooxda PSG Laba sano ka hor markii uu 222 milyan oo euro ugu biiray kooxda reer France.

Saxafiga Guillem Balague ayaa sheegay in uu Florentino Perez dadka ku dhaw u sheegay in ay Real Madrid ku guulaystay saxiixa xiddiga laakiin tan ilaa bilowgii xagaagan ay wax badan is badaleen.

Barcelona ayaa la aaminsan yahay in ay ku horayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Brazil kuwaas oo maanta la kulmaya madax ka socota kooxda PSG.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*