Liverpool Vs Chelsea: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Ka Hor Kulankooda UEFA Super Cup-ka

Kooxaha Liverpool & Chelsea ayaa isaga hor iman doona UEFA Super Cup Arbacada kulan ay labada kooxoodba isha ku hayaan in ay ka dhigtaan koobkoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool oo si fiican ku bilaabatay premier League iyaga oo 4/1 ku garaacay kooxda Norwich ayaa booskooda kulankan goostay kadib markii ay Tottenham ka qaadeen finalkii champions League xilli ciyaareedkii hore.

Dhanka kale Blues oo guuldaro ceeb ka raacday ka soo gaadhay Man United ayaa xilli ciyareedkii hore ku guulaystay Europa League iyaga oo garaacay Arsenal sidaasna ku yimid kulanka UEFA Super Cup-ka.

Liverpool ayaa koobka horay ugu guulaystay 3 jeer oo hore oo ay ugu dambaysay 2005 halka ay chelsea ku guulaysyay sanadkii 1998 markaas oo ah markii ugu dambaysay.

Si kasta ha ahaatee Blues ayaa koobkan ciyaartay sanadihii 2012/2013 makraas oo ay guuldarooyin kala kulmeen kooxaha Atletico Madrid iyo Bayern Munich.

Hadaba shabaqada Sports Mole ayaa soo xulatay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyaga oo kaliya soo doortay xiddigaha taamka u ah kulanka habeen dambe.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda isku dhafka ah ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xiddig halka ay chelsea kaliya ku leedahay 3 xiddig.

Combined XI: LIV v CHE

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*