Lampard Oo Xaqiijiyay In Uu Dhaawac Cusub Soo Gaadhay N’Golo Kante, Waana Sidee Xaalada Willain & Rudiger

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa kulanka ay Habeen dambe la ciyaari doonaan kooxda Liverpool kana tirsan tartanka UEFA Super Cup kulan ka dhici doona caasimada dalka Turkey-ga ee Istanbul kulan si weyn loo sugayo.

Tababare Frank Lampard iyo kooxdiisa ayaa si aad ah u doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guusha kadib ceebtii ka soo gaadhay Man United kulankoodii ugu horeeyay ee premier League Axadii.

Lampard ayaa ka warbixiyay xaaladaha xidigaha kooxdiisa ka hor kulanka Liverpool xilli uu xaqiijiyay in uu dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee N’Golo Kante.

Lampard oo ka hadlaya shirkii ka horeeyay kulanka ayaa yidhi”N’Golo Kante waxa uu dhaawac yar soo gaadhay kulankii Man United waxana aan la socon doonaa xaaladiisa ka hor kulanka”.

Warkan ayaa imanaya kadib markii uu xiddigu dhawaan ka soo kabsaday dhaawac uu la dhibaatoonayay muddo bilo ah waliba ku seegay intii badnayd kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub”.

Waxana uu haatan shaki ku jiraa in uu ka qayb qaadan karo kulanka UEFA Super Cup ee ay chelsea la ciyaari doonto kooxda Liverpool Habeen dambe.

Tababare Lampard ayaa sidoo kale ka hadlay taam ahaanshaha xiddigaha Willian iyo Antonio Rudiger kuwaas oo dhankooda seegay kulankii Man United ee Axadii.

“Willian & Rudiger waxa ay sii wadaan ka shaqaynta taam ahaanshohooda, laakiin waxa ay kulanka Ku Bilaaban doonaan kaydka”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*