Lacagta Ay Man City Galisay Xiddigaha Fashilmay Ee Kooxdeeda Oo La Ogaaday

Kooxda Man City ayaa samaysay taariikhdeeda saxiixyo aad u badan kuwaas oo ay qaarkood ku Aflexeen kuna gaadheen guulo halka ay qaar kale ku fashilmeen kana shaqleeyeen lacagtii ay ka soo bixiyeen.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man City 1 Billion ka bixisay shantii saxiix ee ugu xumaa taariikhdeeda casriga horyaalka premier League 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Xiddigii ugu dambeeyay ayaa ah Eliaquim Mangala kaas oo isaga tagay kooxda todobaadkan si xor ahna ugu biiray kooxda Valencia.

daafaca reer France ayaa noqday daafacii ugu horeeyay ee ugu qaalisanaa suuqa Premier League kadib markii uu 42 milyan oo euro kaga soo biiray kooxda Fc Porto.

Xiddiga Jack Rodwell ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigihii ku fashilmay City kadib markii uu 12 milyan oo euro kaga soo biiray kooxda Everton sanadkii 2012.

Jerome Boateng ayaa isaguna kooxda Man City ugu soo biiray 10 milyan oo euro sanadkii 2010 laakiin waxa uu xiddigu ku fashilmay in uu soo bandhigo tayadiisa.

Weeraryahanka reer Russia ee Jo ayaa kooxda Man City ugu soo biiray 19 milyan oo euro sanadkii 2008 laakiin kaliya 9 gool u dhaliyay kooxda kadib 6 bilood isaga tagay kooxda.

Wilfried Bony ayaa kooxda Man City ugu soo biiray 25 Milyan oo euro kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Swansea City laakiin xiddiga ayaa kaliya ku fashilmay kooxda isaga oo 10 gool u dhaliyay 46 kulan oo uu u ciyaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*