Koox Lama Filaan Ah Oo Isku Dayday In Ay Barcelona & Real Madrid Ku Garaacdo Saxiixa Neymar, Kooxda Ay Tahay & Jawaabtii Ay Heleen

Mustaqbalka Neymar ayaa maalin walba yeelanaya waji cusub xilli uu xiddiga reer Brazil doonayo in uu isaga tago kooxda PSG inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan lana xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo ku tartamaya saxiixa xiddiga.

Xilli ay cid walba ogtahay xiisaha ay Real Madrid iyo Barcelona u qabaan saxiixa xiddiga waxa soo gashay tartanka koox kale kuwaas oo doonaya in ay xiddiga ku qaataan heshiis amaah ah oo 6 bilood ah.

Kooxdaas ayaa ah kooxdii hore ee Neymar ee Santos kuwaas oo isku dayay in ay Neymar heshiis amaah 6 bilood ah ku helaan saxiixa xiddiga reer Brazil inta lagu jiro suuqa xagaagan.

“Waxa ay ahayd suurtagal, waxa ay ahayd mid adag laakiin dabcan waxa ay ahayd dookh meesha yaala, waxa aan isku daynay in aan amaah ilaa bisha December ah ku keeno kooxda, waxa aan la hadlanay dadka ku dhaw gaar ahaan aabihiis laakiin way suurtagali wayday”ayuu yidhi Madaxweynaha Santos ee Jose Carlos Peres.

Neymar ayaa Halyeey ka ah kooxda Santos isaga oo u dhaliyay 70 gool sidoo kale caawiye ka noqday 35 kale 134 kulan oo uu u ciyaaray ka hor intii uuna 2013-kii kaga soo biirin Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*