Klopp: Gabadha Garsoori Doonta Kulanka Super Cup-ka? Hooyaday Ayaa ii Cadhoon Doonta Hadii Aan Ku Xanaaqo.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay gabadha garsooraha ka noqon doonta kulanka UEFA Super Cup-ka ee ay kooxdiisu caawa la ciyaari doonto Chelsea kana dhici doona Istanbul.

Klopp oo la hadlaya wargayska Liverpool Echo ayaa yidhi” Ugu dambayn waxan u malaynayaa in la gaadhay wakhtigii, waxa aan horay ugu soo arkay Germany”.

“Run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay in aanu ka qayb noqon habeenkan taariikhiga ah, waa go,aan fiican in gabadh loo dhibo kulan sidan u weyn:,

“Waxa aan hubaa in aan isku dayi doono in aanu ku adkayno ciyaarta sida ay tahay garsoorayaasha kale”.

“Waxa aan muujin doonaa wajigayga fiican Waxana aan rajayanayaa in aan si fiican ula dhaqmo gabadha garsooraha ah hadii kale Hooyaday ayaa ii cadhoon doonta”.

Waxa ay noqon doontaa kulankii ugu horeeyay ee ay gabadh hogaamin doonto tartamada waaweyn ee yurub inkasta oo horyaalka Germany horay loogu soo arkay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*