Kadib Markii Uu Mourinho Kaydka Man City U Saadaaliyay Ku Guulaysiga Premier League, Halkan Kaga Bogo Sida Ay Tahay Shaxdaas.

Tababare Jose Mourinho ayaa sheegay in shaxda kaydka ee Man City leedahay fursad fiican oo ay ugu guulaysan karto horyaalka premier League marka loo eego kooxdiisii hore ee Man United.

Tababarihii hore ee kooxda Man United ayaa ka hadlay awooda kooxda Man City kadib markii ay kooxda Pep Guardiola 5/0 ku xasuuqday kooxda West Ham kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka premier League.

Markii la waydiiyay kooxaha u tartami kara horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ayuu yidhi” Man City, Tottenham, Liverpool & kaydka Man City”.

Kadib hadalka Mourinho wargayska Daily Mail ayaa laba u kala qaybiyay shaxda kooxda Man City iyada oo laga yaabo in aad ku raacdo Mourinho marka aad eegto sida ay u adagtahay shaxdaas.

Man City ayaa leh laba shaxood oo ay ugu tartami karto horyaalka premier League marka loo eego tayada kooxdeeda marka la qiimeeyo xiddigaha kaydka iyo kuwa joogtada u ciyaara.

Hadaba Halkan Kaga Bogo labada shaxood ee Man City:

              Shaxda Joogtada ah                                 Shaxda Kaydka Ah

Man City's A teamMan City's B team

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*