Kadib Ku Biiristii Ivan Perisic Ee Bayern Munich, Wax Ka Baro Xiddigaha Reer Croatia Ee Horay Ugu Soo Ciyaaray Bayern

Kadib Ku Biiristii Ivan Perisic Ee Bayern Munich, Wax Ka Baro Xiddigaha Reer Croatia Ee Horay Ugu Soo Ciyaaray Bayern

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in ay si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga Ivan Perisic kaas oo ay heshiis amaah ah ugala soo wareegtay kooxda Inter Milan.

Ivan Perisic ayaa Bayern Munich joogi doona hal xilli ciyaareed xilli ay kooxdu dookh u haysato in ay si toos ah ula wareegto xiddiga reer Croatia dhamaadka xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga 30 jirka ah ee Perisic ayaa ah badalka Leroy Sane kaas oo ay doonayeen adeegiisa ka hor inta uuna soo gaadhin dhaawac uu ku maqnaan doono muddo 7 bilood ah.

Perisic ayaa maray wadadii ay mareen xiddigo badan oo reer Croatia ah kadib markii uu ku soo biiray kooxda Bayern Munich isaga oo noqday xiddigii 10-aad ee u dhasha dalka Croatia ee u soo ciyaara Bayern.

  1. Ivan Perisic
  2. Fabian Benko
  3. Mario Mandzukic
  4. Danijel Pranjic
  5. Ivica Olic
  6. Robert Kovac
  7. Niko Kovac
  8. Zlatko Skoric
  9. Zvonko Bego
  10. Bozidar Sencar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*