Fariintii Uu Sadio Mane U Soo Diray Gini Wijnaldum Kadib Rikoodhadii Uu Ka Khasaariyay Kooxdiisa Kulankii Man City Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa ku fashilantay in ay koob kale raaciso ku guulaysigii champions League iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Man City Community Shield Axadii.

Reds ayaa lagu garaacay rikoodhayaal 5/4 ah kadib markii ay 1/1 ku dhamaatay wakhtigii dambeegiga ahaa ee kulankii ka dhacay Wembley.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Gini Wijnaldum ayaa ah midkii laga qabtay rikoodhada xilli uu Gabriel Jesus dhaliyay goolkii ay Man City ugu guulaystay koobka.

Kadib ciyaarta Wijnaldum ayaa fariin ka helay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Sadio Mane kaas oo ku jiray maalintii ugu dambaysay ee fasaxiixsa.

Wijnaldum oo ka hadlay arintaas ayaa yidhi” Mane ayaa ciyaarta kadib ii soo diray “Gini” oo ay raacsantahay calaamad su,aal waxana aan ku idhi “Hee, kadib Sadio ayaa igu yidhi waan ogahay ma ahan wax fiican”.

“Waxana uu uga jeeday, Haa adiga dartaa ayay kooxda guuldaro u soo gaadhay laakiin wuu ila kaftamayay”.

“Waxa aan idhi, Haa waan ogahay, kadib Sadio ayaa yidhi haa waa saxsantahay”.

5 Comments

  1. Aad iyo aad Baan guy faraxsanahay barnaamujka kooxda , waanan xiiseeyaa . Halkan ka isii waad dadaalkiina Arabian haydinla garabgalo .aamiin 1000.

  2. Aad iyo aad Baan guy faraxsanahay barnaamujka kooxda , waanan xiiseeyaa . Halkan ka sii wada dadaalkiina. Eebahayna haydinla garabgalo. Aamiin 1000.

  3. Aad iyo aad Baan ugu faraxsanahay barnaamujka kooxda , waanan xiiseeyaa . Halkan ka sii wada dadaalkiina. Eebahayna haydinla garabgalo. Aamiin 1000.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*