Dib U Eegid: Premier League Oo Laga Dhigay Rikoodh Ay Ugu Dambaysay 2010-11

Horyaalka premier League ayaa dib u bilowday todobaadkan iyada oo la ciyaaray kulamadii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka 2019/2020 kaas oo laga diwaan galiyay rikoodh ay ugu dambaysay muddo 9 sano ah.

Xiddigihii ugu badnaa ee u dhashay dalka England ayaa ku bilowday maalintii ugu horaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan markii ugu horaysay muddo 9 sano ah iyada oo ay guud ahaan ciyaareen 83 xiddig oo u dhashay dalka England una qaybsanaa 20-ka kooxood ee ka ciyaara horyaalka premier League.

Taas ayaa la macno ah in 37.73% ay ahaayeen xiddigo u dhashay dalka England kuwaas oo ku bilowday kooxaha 20-ka ah ee premier League todobaadkan.

Markii ugu dambaysay ee ay tiro intaas leeg ama ka badan oo xiddigo England u dhashay ku bilowdaan ayaa ahayd kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkii 2010/2011 markaas oo ay ku bilowdeen 85 xiddig.

Waxa intaas sii dheer in kooxaha ugu waaweyn ee 6-da ah ee premier League xiddigahaas ku lahaayeen 22 xiddig taas oo ah markii ugu badnayd tan ilaa xilli ciyaareedkii 2016/2017.

Dhamaan xiddigihii 6-da kooxood ee ugu waaweyn ugu bilowday shaxdooda una dhashay England ayaa ka yaraa 30 jir iyaga oo u dhexeeyay cel-celis ahaan 23 sano 351 maalmood.

Xiddigaha Ainsley Maitland-Niles, Calum Chambers, Joe Willock & Reiss Nelson ayaa ku bilowday shaxda Arsenal Halka xiddigaha Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez & Jordan Henderson ay ku bilowdeen kulankii Norwich.

Man United ayaa xiddigaha ugu badan ee England ah ku bilowday shaxdooda kulankii Chelsea iyaga oo 5 xiddig ku bilowday shaxdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*