De Gea, Willain & Eriksen Oo Hogaaminaya Shax Cajiib Ah Oo Laga Sameeyay Xiddigaha Xorta Ah Uga Tagaya Kooxdooda

Waxa si Rasmi ah u bilowday xilli ciyaareedka cusub ee premier League iyo horyaalka France xilli ay wakhti yar inaga xigaan bilaabashada horyaalada Germany, La Liga iyo waliba Serie A-da.

Sidoo kale waxa xidhmay suuqa premier Leageu halka todobaadyo inaga xigaan in uu xidhmo suuqa horyaalada France, Italy, Germany iyo Spain.

Inkasta oo uu bilowday xilli ciyaareedka cusub hadana waxa jira xiddigo haatanba shaki ku jiro mustaqbalkooda xagaaga dambe kuwaas oo uu heshiiskoodu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka cusub.

Xiddigahaas ayay ku jiraan xiddigo haatan lagu qiimeeyo xiddigaha ugu fiican booskooda kuwaas oo aan ilaa haatan heshiis cusub u saxiixin kooxdooda xilli bilo ka hadheen heshiiskooda.

Wargayska The Sun ayaa shax ka sameeyay Xiddigaha ugu fiican ee uu heshiiskoodu dhici doono xagaaga dambe si xor ahna ugu biiri kara koox kasta oo ay doonayaan.

Shaxdaas ayay ku soo bexeen 8 xiddig oo ka ciyaara horyaalka premier League halka saddexda xiddig ee kale ka kala ciyaaraan La Liga, France iyo Serie A-da

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo Shaxda cajiibka ah ee laga sameeyay xiddigaha xorta uga tagi doona kooxdooda xagaaga dambe:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*