Cristiano Ronaldo Oo Kashifay Waxa Uu Kaga Fiican Yahay Lionel Messi

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday hal meel oo uu kaga fiican yahay xiddiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa waraysi Badan siiyay DAZN kaas oo maanta la soo daayay qayb ka mid ah waraysigaas.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa ka hadlay xafiiltanka uu la leeyahay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo waliba tartankooda loo arko midkii ugu weynaa kubada cagta.

“Farqiga noo dhexeeya aniga iyo Lionel Messi ayaa ah in aan u ciyaaray kooxo badan waliba aan kula guulaystay koobka champions League”ayuu Yidhi CR7.

“Waxa aan ahaa gooldhaliyaha Champions League 6 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah, ma jiraan xiddigo badan oo champions League ku guulaystay 5 jeer waana sababta aan u dareemayo in aan mar kale ku guulaysan karo koobka”.

“Messi waa xiddig cajiib ah kaas oo lagu xasuusan doono ku guulaysiga Ballon d’Or iyo waliba xiddig horumar sameeya sanad kasta sidayda”.

“Waxa aan subax walba soo kacaa aniga oo qalbiga ku haya in aan gaaro u jeedo cusub iyo waliba ku guulaysiga waxyaabo kale, kaliya ma ahan in aan lacag helo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*