Cristiano Ronaldo Oo Kashifay Qaabkii Uu Zidane Ugu Qancin Jiray In Uu Kaydka Fadhiisto Kulamada Markii Uu Joogay Real Madrid

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay xidhiidhkii uu la lahaa tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane markii uu joogay kooxda Real Madrid xilli uu amaan ugu qubeeyay tababaraha reer France.

Xiddiga reer Portugal ayaa isaga tagay kooxda Real Madrid xagaagii hore isaga oo ku biiray Juventus waxana uu Zidane kaga hadlay qayb ka mid ah Barnaamij uu u duuba DAZN.

“Kalsooniada uu xiddigu u baahanyahay kaliya kama timaado isaga laakiin waxa ay sidoo kale ka timaadaa xiddigaha ku hareeraysan iyo tababaraha”ayuu Ronaldo yidhi.

“Waxa aad u baahantahay in aad dareento in aad muhiim ka tahay kooxda Zidane-na waxa uu iga dhigay qof khaas ah”.

“Si weyn ayuu ii caawiyay, waxa aan u hayaa Ixtiraam weyn laakiin la shaqayntiisa ayaa iga dhigtay in aan aad u sii jeclaado”.

“Sababta oo ah sida uu yahay ka qof ahaan, sida uu u hadlo, sida uu kooxda u hogaamiyo iyos sidii uu iila dhaqmay”.

“Waxa uu igu odhan jiray, ‘Cris, Naso waliba ciyaar kaliya hal kulan waxa aad tahay qofka kaliya ee farqiga samaynaya”.

“Mar walba waxa uu ii sheegi jiray Runta waxa aan mar walbana la lahaan doonaa xidhiidh fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*