Barcelona Oo Talaabo Weyn U Qaaday Saxiixa Neymar

Kooxda Barcelona ayaa talaabo muhiim ah u qaaday saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar sida ay sheegayaan wararka haatan ka imanaya dalka Spain.

Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa in ay Neymar ku soo celiso Camp Nou kadib markii uu xiddigu qirtay in doonayo in uu isaga tago kooxda PSG inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

PSG ayaa dhankeeda Aqbashay in uuna Neymar sii joogi doonin kooxda xagaagan kadib markii uu u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan iyada oo Barcelona ugu cad-cadahay saxiixiisa.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona madax u dirtay Paris si ay wadhaadalo ula furaan kooxda PSG kaas oo ku saabsan heshiiska Neymar.

Barcelona ayaa dirtay wafti ka kooban Eric Abidal & Andre Cury ay kooxda PSG ula kulmaan waxna uga aydiiyaan suurtagalnimada uu Neymar ugu laaban karo Barcelona xagaagan.

Neymar ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda PSG laba sano ka hor markii ay PSG ka dhigtay saxiixa ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*