Akhristayaasha Wargayska Daily Mail Oo Doortay Shaxda Ugu Fiican Adduunka Wakhti Xaadirkan.

Xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo ayaa mar kale iska muujiyay in ay yihiin xiddigaha ugu fiican xilli ciyaareedkii hore kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen kooxohoodana ku hogaamiyeen koobab.

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa isaguna iska dhigay xiddigaha ugu fiican tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool Kooxdiisana ku hogaamiyay koobka Champions League.

Magaca “Heer Caalami” ayaa loo Isticmaa xiddigo badan laakiin ayaa saddexdaas xiddig kala soo baxaya shaxda ugu fiican adduunka kubada cagta wakhti xaadirkan?.

Wargayska MailOnline Sport ayaa Akhristayaashiisa waydiiyay in ay doortaan shaxda ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan kadib dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Akhristayaasha Wargayska ayaa soo doortay 11 xiddig oo ay Aaminsan yihiin in ay yihiin kuwa ugu fiican adduunka kubada cagta wakhti xaadirkan.

Waxa shaxda ku soo baxay xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore kuwaas oo ay doorteen Akhristayaasha wargayska.

Horyaalka Premier League ayaa xiddigaha ugu badan ku leh iyaga oo ku leh 5 xiddig xilli Liverpool 3 xiddig ku leedahay chelsea iyo Man City-na min hal xiddig ku leeyihiin.

Horyaalka La Liga ayaa dhankiisa ku leh 4 xiddig iyada oo ay Real Madrid 2 xiddig ku leedahay halka Barcelona iyo Atletico Madrid min hal xiddig ku leeyihiin.

Kooxaha PSG iyo Juventus ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda oo ay doorteen Akhristayaasha wargayska MailOnline Sport.

1 Comment

  1. If mohammed Salah is missing from the list despite champions the presence of Arnold and robertson plus Van dijk indicates how the world is full of bias plus an other (speech is silver but silence is gold) some people may understood my wisdom. Salah’⚽️

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*