AFAR Xiddig Oo Arsenal Ka Tagi Kara Maalmaha Soo Socda

Kooxda Arsenal ayaa ku sii jiri doonta suuqa kala iibsiga todobaadyada soo socda inkasta oo uu xidhmay suuqii horyaalka premier League.

Gunners ayaa soo qaadatay xagaa mashquul ah iyaga oo la soo wareegay 6 xiddig iskana iibiyay 4 xiddig oo kale.

Si kasta ha ahaatee tababare Unai Emery ayaa qirtay in ay jiri doonaan xiddigo kale oo kooxda ka tagi doona ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga horyaalada kale ee yurub.

“20 ilaa 25 maalmood ee soo socda qaar ka mid ah xiddigaha kooxda ayaa tagi doona waxa aan doonayaa in aan kooxda soo yareeyo”ayuu Emery yidhi.

Wargayska Football London ayaa sheegaya in ay jiraan 4 xiddig oo ay u badantahay in ay isaga tagaan kooxda kuwaas ayaana kala ah Shkodran Mustafi, Mohamed Elneny, Emile Smith Rowe & Nacho Monreal.

Mustafi ayaa soo qaatay xilli ciyaareed xun isaga oo sameeyay khaladaad waaweyn waxana lala xidhiidhinayaa kooxda Monaco halka Mohamed Elneny Lala xidhiidhinayo kooxaha reer Turkey ee Galatasaray & Fenerbahce.

19 jirka Smith Rowe ayaa dhankiisa la filayaa in uu isaga tago kooxda Iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda RB Leipzig halka daafaca Bidix ee Nacho Monreal sidoo kale isaga tagi doono kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*