Aar Wan-Bissaka Mise Trent Alexander-Arnold? Midka Fiican Labada Daafac Oo La Sheegay, Maku Raacsantahay?

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkooda kadib markii ay guulo waaweyn ka kala gaadheen kooxaha Norwich City iyo Chelsea kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka premier League.

Halyeeyga kooxda Man United ee Paul Parker ayaa amaanay xiddig kooxda Man United ee Aar Wan-Bissaka isaga oo sheegay in uu kaga fiican yahay dhanka daafaca xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold.

Aar Wan-Bissaka ayaa ku biiray kooxda Man United suuqii xagaagan isaga oo ugu soo biiray lacag dhan 50 Milyan oo euro oo uu kaga soo biiray kooxda Crystal Palace isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankiisii ugu horeeyay ee premier League uu u ciyaaray Man United.

Paul Parker oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan idhi sidaas marar hore, waxa aan Wan-Bissaka daawaday marar badan sanadkii hore, run ahaantii waan jeclaaday waxa uu qabto”.

“Dadku waxa ay ka hadlaan Trent Alexander-Arnold laakiin uma difaacan karo sida Wan-Bissaka kaas oo si fiican u difaacda, waxa uu jecelyahay daafaca”.

“Kubad walba oo uu ka dilay chelsea waxa uu uga helay si naftiis ah waxa aan dareemay in uu sanado u ciyaarayay Man United, isaga ayaa ugu fiican premier League”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*