Zidane Oo Go,aansaday In Uu Kooxdiisa Ka Diro Labadan Xiddig Kadib Qaab Ciyaareedkii Ay Soo Bandhigeen Kulankii Arsenal.

Real Madrid ayaa ka soo laabatay laba gool oo ay kaga horaysay Arsenal kulankii xalay iyaga oo rikoodhayaal ku garaacay Arsenal inkasta oo ay kooxdiisu guul gaadhay hadana tababare Zidane ayaan ku faraxsanayn qaab ciyaareedka qaar ka mid ah xididgaha kooxdiisa.

Wargayska Don Balon ayaa sheegay in uu tababare Zidane kooxdiisa ka reebayo xiddigaha Vinicius Jr & Nacho Fernandez isaga oo go,aansaday in uu ka diro kooxda xagaagan.

Tababaraha reer France ayaa la sheegayaa in uuna ku qanacsanayn qaab ciyaareedka labada xiddig ee Vinicius Jr & Nacho Fernandez kulankii ay Real Madrid guusha ka gaadhay.

Zidane ayaan ku qanacsanayn in ay labada xiddig ka mid noqon karaan Liiska xiddigaha uu ku tartami doono xilli ciyaareedka dambe sidaas darteed waxa uu iska iibin doonaa xagaagan.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid doonayso in ay iska iibiso daafaca reer Spain ee Nacho Fernandez maadama uuna boos u hayn xilli ciyaareedka dambe kadibmarkii uu Eder Militao ku soo biiray kooxda.

Dhanka kale Vinicius ayay u badantahay in heshiis amaah ah loo diri doono si uu u helo daqiiqado badan ugana faa,iido khibrad fiican xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*