Zidane: Bale Si Fiican Ayuu U Ciyaaray Aadna Waan Ugu Faraxsanahay.

Indhahah adduunka oo dhan ayaa hayay Gareth Bale kulankii ay kooxda Real Madrid la ciyaaraysay kooxda Arsenal kadib markii uu badal ku soo galay qaybtii hore Tababare Zinedine Zidane ayaana qirtay in uu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka xiddiga.

Mustaqbalka Bale ayaa haystay ciwaanada wargaysyada maalmihii ugu dambeeyay gaar ahaan markii uu Zidane laftiisu sheegay in ay Real Madrid doonayso in ay iibiso, xitaa markii uu si fiican u ciyaaray kooxdana ka badbaadiyay guuldaro xaalada reer Wlaes ayaa ah sidii hore.

“Bale waxa uu u ciyaaray si fiican waan ku faraxsanahay”ayuu Zidane yidhi ciyaarta kadib.

“Sida xiddig walba oo kale waxa uu nala joogaa halkan wuuna sii wadi doonaa shaqada, mana garanayo waxa dhici doona, waxa uu doonayay in uu ciyaaro sida xiddigaha kale maalintii horena muu ciyaarin”.

Hadalkan tababare Zidane ayaa imanaya maalmo yar kadib markii uu dhaliyay muran badan markii uu sheegay in ay Fiicantahay in uu Bale isaga tago kooxda.

Xiddiga reer Wales ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha ka ciyaara horyaalka shiinaha laakiin ilaa haatan isaga ayaa diidan in uu aado horyaalkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*